Sawirro: Guddoomiye Jawaari oo madaxa AMISOM kala hadlay qodobo xasaasi ah iyo in amaanka goobta…

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka ee mooshinka laga soo gudbiyay ayaa kulan xasaasi ah sabtidaan la qaatay madaxa midowga Afrika ee Somalia Ambassador Francisco Caetano Madeira, waxaana kulankaasi Maxamed Cusmaan Jawaari ku wehliyay guddoomiye kuxigeenkiisa labaad Mahad Cawad, xoghayaha guud ee baarlamaanka iyo guddiyada joogtada ee baarlamaanka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ayaa looga hadlay xaaladda cakiran ee baarlamaanka Somalia, iyadoo guddoomiye Jawaari uu ka dalbaday AMISOM inay la wareegto isla markaana sugto ammaanka xarunta baarlamaanka xilliga la bilaabayo mooshinka.

Sida ku cad ogolaanshaha howlgalka AMISOM waxaa qeyb ka ah waajibaadkeedu inay sugto ilaalinta amniga guddoomiyaha baarlamaanka iyo xarunta baarlamaanka ayuu balan qaaday Ambassador Francisco Caetano Madeira inay waajibaadkaas ilaalin doonaan, isla markaana ay rajo ka qabtaan in xiisadda siyaasadeed ee madaxda dowladda si nabadgelyo ah lagu dhammeeyo.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa dhanka kale, dalbaday in AMISOM la wareegto sugida amniga xarunta aqalka sare, iyadoo taasi ay muujineyso kalsooni darada lagu qabo ciidamada Somalia oo sidii la doono loo adeegsado, maadaama xukuumadda dul dhigtay ciidamo gaar ah xarunta baarlamaanka ee aqalka hoose.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com