Guddiga Difaaca baarlamaanka & Wasiirka Gaashandhiga oo kulan khaasa yeelanaaya (Ujeedka)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia ay maanta kulan khaas ah la yeeshaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh C/raxmaan Mursal.

Guddiga ayaa sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda waxbadan laga weydiin doono howlaha uu u hayo Qaranka ee loo igmaday.

Kulankan Gudiga iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda oo siisa gaara leh ayaa waxa uu ka dhici doonaa xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa si gaara xooga loogu saari doonaa  arrimaha la xiriira xiisada ka taagan magaalada Beledxaawo iyo sidii wax looga qaban lahaa, iyadoo Xukuumada Somalia lagu eedeynaayo inay ka gaabineyso arrinta Beledxaawo.

Kulanka shalay ee Golaha Aqalka Sare ayey Xildhibaanadu ku codsadeen in si deg deg ah loogu yeero Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, sida Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Difaaca & Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale, waxa ay Senatorada dalbadeen in wax laga weydiiyo Maamulka Jubbaland iyo Guddiga Xuduudaha dhibaatada ay Kenya ku heyso shacabka degan degmadaasi.

Talaabadaani isla xisaabtanka ayaa ka danbeysay kadib markii Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ay  shacabkii ku noolaa ay sameeyen Barakac.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com