XFS oo daboolka ka qaaday dhismaha 2 Hay’addoo oo saldhig u ah xalinta Khilaafyada Madaxda dalka

Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay dib u dhisayaan Hay’adaha muhiimka ah ee aanu wali loo yagleelin Somalia.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in xukuumadu ay wado qorshaha lagu dhisi lahaa Hay’adaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga.

Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumadu ay garwaaqsatay muhiimada ay leedahay in dib loo yagleelo labada Hay’adood ee maqan, waxa uuna tilmaamay inay ahmiyad gaara leedahay in lasoo celsho Hay’adahaasi maqan.

Wasiirku waxa uu sheegay inuu maqan yahay Golaha Adeegga Garsoorka oo Garsoor u ah Baarlamaanka, kaasi oo uu sheegay inuu dejin lahaa siyaasadda guud ee Cadaaladda iyo in uu sameeyo kormeer guud.

Waxa uu intaa ku daray Wasiirka in weli ay maqan tahay Maxkamadda Dastuuriga oo aas aas u ah xalinta khilaafaadka siyaasiga iyo Dastuuriga ah, balse ay rajeynayaan in dhawaan ay xalin doonaan.

‘’Waxaa naga go’an in si degdeg ah aanu ku dhisno labada Hay’adood ee naga maqan sida Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga oo aan is leenahay dalka kama maarmo’’

‘’Baahiyaha aan u qabno labada Hay’adood waa kuwo hadda taagan, waxaanu go’aan ku gaarnay inaanu dhisno oo aanu ku daneysano’’

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa imaanaya xili inta badan shacabku ay yihiin kuwo dhagaha u taagaya khilaafyada aan dhamaan ee u dhexeeya Madaxda ugu sareysa dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com