Maxaa kamid ahaa Erayada quuska muujinayey ee Jawaari uu ku yiri Madaxda AMISOM?

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo qaar kamid ah Madaxda AMISOM.

Kulanka oo ahaa mid si gaara uga dhacay xerada Xalane ayaa waxaa kulankaasi dhanka Madaxda AMISOM ku hogaaminaayay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Fransico Madiera iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Guddoomiye Jawaari waxaa dhankiisa ku wehlinayay kulanka Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Qodobada diirada lagu saaray kulanka ayaa waxaa kamid ahaa xiisada ka dhalatay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cidamada la wareegay xarunta Baarlamaanka, Howlaha sugidda amniga Xarunta iyo halka ay ka dhici doonto doorashada cod bixinta.

Guddoomiye Jawaari ayaa inta uu kulanka socday AMISOM u muujinaayay inay jirto kalsooni darro ka heysata dhanka baarlamaanka, sidaa aawgeedna uu doonaayo inaanu doorashada cod bixinta ka marnaan faragalintooda si aan loo baalmarin hanaanka codeynta.

Waxa uu Jawaari khudbadiisa ku muujiyay in shaqsi ahaantiisa uusan ku dhalan Kursiga isla markaana uu diyaar u yahay in looga qaado cod nadiif ah, waxa uuna si bareera u diiday in codeynta ay ka dhacdo Xarunta Golaha Shacabka.

Nuqulka khudbada Jawaari waxaa qeyb ka ahaa ‘’Waxaan ku qanacsanahay kuna qanci doonaa in doorashada ay ka dhacdo kaliya Hoolka Garoonka ee lagu qabtay doorashada Farmaajo’’

‘’Waxaan diidanahay inaan wakhti danbe muujiyo shaki iyo diidmo, waxaan hadda heysanaa fursad aanu ku diyaarinkarno in goobta doorashada ay ka dhaceyso laga dhigo Hoolka ay ka dhacday doorashada ee Garoonka Aadan Cadde’’

Bilowga kulanka khaaska ah ee Guddoomiye Jawaari iyo Fransico Madiera waxa uu Guddoomiyuhu Fransico Madiera ku yiri ‘’Waxaan doonayaa inaan kursiga uga dego hanaan caadil ah, waxaan niyad jab la kulmi doonaa haddii ay dhacdo in beesha caalamka looga awood bato halka ay ka dhaceyso dooradasha ee aan anigu dalbaday’’

Guddoomiye Jawaari waxa uu sheegay in mar waliba uu u taagan yahay ‘’tijaabo Nasiib’’, hase ahaatee uu doonaayo inaan looga sheekeyn shacabka xumaan uu isaga geystay.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari, ayaa ka dalbaday AMISOM sugidda ammaanka xarunta Baarlamaanka, maadaama maalmaha soo socdo lagu wado in la guda galo cod u qaadista Mooshinka.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka Jawaari iyo AMISOM ayaa kusoo beegmaaya xili baarlamaanka Somalia uu isku khilaafsan yahay goobta lagu qabanaayo doorashada cod bixinta ee go’aanka looga gaarayo Mooshinka Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com