Arrin cusub: Ethiopia oo dhulkeeda ku darsatay Degmo ka tirsan Somalia & Calamadeeda oo lagu hardhay

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaanahaani dowladaha dariska la ah Somalia ay sii laba jibaaren boobka dhulalka Soomaalida ee xadka la leh, ayaa waxaa soo baxaaya in dowlada Ethiopia ay la wareegtay magaalo hor leh oo ay laheyd Somalia.

Ex Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi  oo kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana u waramaayay Idaacada Knn ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ethiopia ay kusii dhiiraneyso inay la wareegto Somalia.

Maxamed Iidle, waxa uu sheegay in dhawaan uu gaaray deegaano hoosyimaada Gobolada dhaca Xadduuda dalka uu la wadaago Ethiopia isla markaana halkaas uu ku soo arkay magaalo weyn oo ay la wareegtay Dowladda Ethiopia.

Waxa uu sheegay in magaaladaasi ay iminka xisaabsato dowlada Ethiopia, balse dhawaan ay aheyd mid raacsan Somalia, hase ahaatee uusan garankarin sababta ka danbeysay in dowlada Somalia ay ka aamusto.

Waxa uu Ex Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi  sheegay in dowlada Ethiopia ay gabi ahaan qaadatay Degmada Aato oo ka tirsan Gobolka Bakool, waxa uuna cadeeyay in maamul ahaan xiligaani ay gacanta ku heyso Ethiopia.

Waxa uu intaa ku daray in gabi ahaan Degmada Aato laga dajiyay calanka Somalia, isla markaana laga taagay keliya Calamada Ethiopia.

‘’Maamulka ka jira Degmada Aato waxaa kan Ethiopia, xitaa ciidamada halkaa ka shaqeeya waa kuwooda waxaana indhaheyga ku arkay in dhammaan degmada laga taagay calamada Ethiopia’’

Ex Xildhibaan Geedi ayaa sheegay in magaaladaasi gobalka Bakool looga yaqaano Aato Ethiopia, balse ay tahay magaalo weyn ku taala dhulka Somalia kana mid ah 6-da degmo ee Gobalka Bakool.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ex Xildhibaan Geedi in Dowlada Ethiopia ay Degmada Aato ka dhisatay Saldhig Booliis, MCH “Xarun Caafimaad” Iskuulo Dowladda Leedahay, iyo Xarumo kale.

Waxa uu sheegay in magaaladaasi ay ku nool yihiin  muwaadiniin badan oo Ethiopian ah Soomaalidana ay marti ku tahay magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, Ex Xildhibaan Geedi ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay qaado talaabo ka dhan ah Ethiopia, haddii ay qaadi weydana ay jawaab ka bixin doonaan shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com