Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo VISA u diiday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh  

Washington (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo dalka Mareykanka ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud loo diiday dal-ku-galka Mareykanka (Visa), taasoo keentay in la joojiyo muxaarado uu ka jeedin lahaa xarunta Marriott Sable Oaks, 2ee Koonfurta Portland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay inuu ka hadlo Golaha arrimaha caalamka ee Gobolka Maine, isagoo qodobka uu ka hadli lahaa uu ahaa: “Somalia the Crossroads: Opportunities + Challenges Post-Civil War”, laakiin madaxa ururka casuumay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cudurdaar ay soo diray ku sheegtay inay aad uga xun tahay in Mudane Xasan Sheekh ay safaaradda Mareykanka ee Somalia u diido Visa-ha Mareykanka.

Safaaradda ayaa ku dooday in Soomaaliya ka mid tahay lix dal oo muslim ah, kuwaasoo xayiraad socdaalka ah uu ku soo rogay Mareykanka, taasoo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh awoodi waayo inuu ka xaadiro dalka Mareykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com