Gaari Walxaha Qarxa waday oo ku qarxay Duleedka Muqdisho.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari nuuca raaxada ah uu ku qarxay halkaa.

Gaariga ayaa marayay Wadooyinka Mara Xaafadaha ka agdhaw Siinka dheer, waxayna Wararku sheegayaan in uu kusoo wajahnaa Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa idaacadda Mustaqbal u sheegay in Khasaaraha Qaraxaasi uu geystay uu ku kooban yahay dadkii Gaariga saarnaa oo aanan la heyn Tiradooda.

Ciidamada Dowladda ee Fariisinka ku leh Deegaanka Siinka Dheer ayaa tagay halka uu gaariga ku qarxay, waxayna wararku intaa raacinayaan in ay wadaan Baaritaano la xiriira Gaariga qarxay iyo dadkii saarnaa.

Deegaanka Siinka dheer waxaa 1-dii bishaan ka dhacay qarax loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, isla markaana uu ku qarxay goob lagu diiwan geliyo Gawaarida Muqdisho soo gasha, kana timaada Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale  Mid ka mid ah ilaalada xarunta degmada Kaxda ee gobolkaan banadir ayaa ku dhaawacmay gaari ku Qarxay afaafka hore ee xaruntaasi.

Wararka nasoo gaaraya degmada Kaxda ayaa sheegaya in gaari nuuca raaxada ah oo muddo daqiiqado ah hor yaala afaafka hore ee xarunta Degmada uu ku qarxay halkaasi isla markaana uu dhaawac ka soo gaaray Askari ka tirsan ilaalada xarunta Degmada.

Goobjoogayaal la hadlay KNN ayaa sheegay in ay arkayeen gaari nuuca raaxada ah oo muddo daqiiqado ah hor yaalay xarunta degmada, balse markii dadka ay maamulka degmada la socodsiiyeen arinta kadibna inta aan wax laga qabanin uu qarxay gaarigaasi.

Maamulka degmada Kaxda iyo laamaha amniga ee degmada ayaa weli ka hadlin dhacdadaani, mana jiraan xog intaas dhaafsiisan oo laga helaayo Qaraxaani.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com