DAL kale oo faro-gelinaya dagaalka Abiy iyo Tigray-ga iyo wararkii ugu dambeeyay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa markii u horeysay si toos ah qeyb uga noqoneysa wada-hadal dhexmara maamulka Tigrayga iyo dowladda federaalka ee Abiy Axmed, sida ay wakaalada AFP u xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan xukuumada Uganda.

Xukuumadda Museveni ayaa wada-hadalo dhexmara labada dhinac ku marti-gelin doonta magaalada Kampala, halkaasi oo ay tagi doonaan ergooyin ka socdo dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigrayga.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegtay in ergooyinka labada dhinac ay isku hor-fadhiisan doonaan miiska wada-hadalka, kaasi oo xal rasmi ah loogu raadin doona dagaalka maalmihii u dambeeyay u dhaxeeyay.

Wada-hadalada labada dhinac ayaa sida lagu soo waramayo waxa garwadeen ka noqonaya madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, maadama la rumeysan yahay in uu xiriir dhow la leeyahay labada dhinac ee isku haya dagaalka Itoobiya.

Wararka ayaa sidoo kale intaas kusii daraya in ra’iisal wasaare ku-xigeenka Itoobiya uu tegi doono magaalada Kampala ee dalka Uganda, si uu qeyb uga noqdo wada-hadaladaasi, isaga oo matalaya dowladda federaalka Itoobiya.

Wada-hadalada lagu wado inay dhexmaraan maamulka maylka adag ee Tigrayga iyo xukuumada Abiy Axmed ayaa lagu soo afjari doona dagaalka ka socda waqooyiga dalka Itoobiya, haddii ay labada dhinac isla qaataan xal kama dambeysa ah.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu sare usii kacay dagaalka labada dhinac, kaasi oo sababay dhimashada boqolaal ruux, halka uu barakaciyay ku dhawaad Labaatan kun oo qof, oo ka tallaabay xadka Itoobiya la wadaagto Sudan.