Dalab ka yimid DF Somalia oo la ogaaday inuu KENYA Airways ka hor-istaagay in ay u duusho Muqdisho

Nairobi (Caasimada Online) – Dalab ka yimid dowladda Soomaaliya oo ku saabsan in shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ay la timaado caymis (Insurance) dheeraad ah ayaa qasab ka dhigay in dib loo dhigo duulimaadkii la qorsheeyey in diyaaraddaas ay ka billowo Muqdisho 15-ka November.

Duulimaadka ayaa hadda la qorsheeyey in la bilaabo shanta bisha December ee soo socota.

Madaxa fulinta Kenya Airways Sebastian Mikosz, ayaa sheegay in duulimaadka tooska ah ee Nairobi-Muqdisho uusan billaaban doonin ilaa shirkadda ay ka buuxineyso dalabka Waaxda Socdaalka Soomaaliya ee la xiriira caymiska.

Ma uusan shaacin waxa uu yahay caymiska dheeraadka ah ee dowladda Soomaaliya ay dalbatay iyo waxa uu kaga duwan yahay kuwa diyaaradaha kale ee ka howl-gala Muqdisho.

“Dalabkan wuxuu la xiriira caymis ay qasab tahay in diyaaradda ay leedahay si ay Muqdisho ugu duusho. Sugitaanka waqtiga lagu ansixinayo arrintan ayaa qasab ka dhigay dib u dhaca” ayuu yiri Mr Mikosz.

Dhammaan dadkii goostay duulimaadka Nairobi-Muqdisho ee Kenya Airways ayaa loo wareejiyo shirkado diyaaradeed oo kale.

Tikitka duulimaadka Kenya Airways ee Muqdisho ayaa la qorsheeyey inuu noqdo 403 dollar, sii socod iyo soo socod, iyo 218 halkii socod.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com