Farmaajo oo Erdogan kala hadlay fulinta balanqaad uu horey u sammeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Istanbul ee dalka Turkey kula kulmay madaxweyne Erdogan ayaa kala hadlay arimo dhowr ah.

Waxyaabaha madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay Erdogan ayaa waxaa kamid ah fulinta balanqaadyo madaxweynaha Dalkaasi uu u balanqaaday Soomaalida labo sano kahor.

Balanqaadkaasi ayaa ahaa in dowladda Turkey ay kumanaan guri ka dhiso doonto magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaasi oo loogu talo galay dadka danyarta ah, sida uu horey u balanqaaday.

Madaxweynaha dalka ayaa kaga mahadceliyay Erdogan iyo shacabkiisa sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed tan iyo waxii ka dambeeyay sanadkii 2011 xiligaasi oo abaar xoogan ay dalka ka dhacday.

Farmaajo, ayaa soo gabo gabeeyay safarkiisii uu ku tagay dalalka Talyaaniga iyo iyo Turkey isaga oo kala hadlay madaxda dalkaasi wanaajinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xalay u howday magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaana uu magaalada Caasimada u ah Uganda kula kulmi doonaa dhigiisa dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com