Xog: Sidee dhallinyarada Somalia ee la askareynayo lagu geeyaa dalka QATAR?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa loo qaadaa dalka Qatar, iyadoo loo sheego inay halkaasi ka qabanayaan shaqo amaan oo ay dhaqaalo badan ku qaadanayaan.

Dhalinyaradaasi ayaa laga kaxeeyay inta ugu badan deegaanada Somaliland, Jabuuti, Soomaali Galbeed iyo Koofurta Soomaaliya, iyadoo looga faa’ideysanayo shaqo la’aanta heysata dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa jira dad uga wakiil ah Qatar kaxeynta dhalinyaradaasi oo ku sugan magaalada Hargeysa, sida ay sheegeen qaar kamid ah dhalinyarada oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Dadkaasi ayaa dhalinyarada ka hor inta aan laga dhoofin Hargeysa waxay ka saxiixaan inay ku shaqeyn doonaan Seddex kun oo doolar iyaga oo qabanayo arrimo amaan oo kaliya, laakiin warqadda waxa ku qoran seddex kun oo lacagta Qatar ah oo u dhiganta 800 oo doolar, sida dhalinyarada ay sheegeen.

Marka la geeyo dhalinyarada dalka Qatar ayaa waxaa la geeyaa xarun ciidan oo ku taala duleedka magaalada Doxa, waxaana halkaasi looga bilaabaa Tababar ciidan noocyadiisa kala duwan iyo tababar la xiriira hubka oo Taangi uu u weyn yahay, sida dhalinyarada ay sheegeen.

Qaar kamid ah saraakiisha Tababarka bixinaya oo Yemeniin iyo Falastiin u badan ayaa dhalinyarada u sheegi jiray inay jihaad u tagi doonaan dalalka Yemen iyo Syria, waxaana dhalinyarada loo sheegay inay yihiin ciidanka Keydka Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com