Itoobiya oo dooneysa in ay midnimo kula wareegto Somalia (Xeelad cusub)

By Asad Cabdullahi Mataan

Dhulka Somaliyeed waxaa awoowayaasha Somalida oo tiro yar ku difaacijireen warmo iyo amley sababta oo ah waxay ahaayeen dad wadaniyiin ah oo dhulkooda iyo sharaftooda jecel kalana yaqaan nacabkooda iyo nasteexooda. Ummad waxaa loo yaabaa in la qabsado marka ay dhacaan arrimahan soo socda:

1. Marka wadaninimada loo loogu ama loo shidheeyo difaac xukun-qabiil oo la garanwaayo in haddii dhulku galo gacanta cadowga aan cidina ka badbaadeyn.

2. Marka dad kula diir ah oo Somaliyeed ay ummadda u macaaneeyaan heshiisyo ah khatar ku soo socota iyaga oo u adeegaya danaha cadowga san-dareerto awgeed.

3. Marka madaxdu u xilato danahooda gaarka ah iyo dhisid xukun qabiil. Xukun dal oo qabiil isa siiyo iyo ciidan qabiil oo lagu difaaco waxaa laga dhaxlaa dagaal sokeeye iyo burbur, horena Somalidu waa u soo aragtay oo waa ku burburtay.

4. Marka ummadda Somaliyeeed ee ka soo horjeeda heshiisyada dhagarta huwan ee loo maleegayo ay madaxda Somalia iyo taageerayaashoodu ku eedeeyaan dad ka soo horjeeda dawladnimada iyo horumarka si aan looga hadlin, looga doodin, loogana hortegin halis qaran oo soo fool leh. Taasu waxay keentaa sii kala fogaansho iyo iska-horimaad aan la mahadin. Waxaa kuwaas ka mid ah dadka maanta u ololaynaya midnimo dhexmarta Somalia iyo Itoobiya oo aan ahayn suurtogal.

5. Marka Somalinimo-xumada, wadaninimo-xumada iyo damiir la’aantu ay gayaysiiso in cadowga jiritaanka Somaliyeed lagu soo hoggaamiyo gobollo gaar ah oo dadka degan loo arko qabiil cadow ah si loo muquuuniyo, looga aargoosto loona xukumo sidaas awgeedna dalka iyo dadku u wada galaan gacanta cadowga oo wada qabsado.

MIDNIMO HUWAN DHAGAR QABSASHO

Iyada oo awelba Itoobiya si xun u gumaysata dhul iyo dad Somaliyeed ayaa haddana ay maanta rabtaa inay midnimo been ah oo dhagar gumaysi huwan ku qabsato inta xorta ah Somalida oo aan weli si habboon looga gilgilan. Sida taariikhda Itoobiya ku cad, Boqoradii la kala odhan jiray Mililik iyo Xayla Salaase waxay dafirijireen dal la yidhaahdo Somalia waxayna ku andacoonjireen in dhulka iyo badda Somalia ay tahay qayb ka tirsan Itoobiya dadka Somaliduna yihiin dad xoolo dhaqato ah oo ka tirsan dadka Itoobiya. Midnimada laab-la-kaca ku salaysan Abiye Axmed waxaa ka weyn cadaawadda guunka ah ee Itoobiya u hayso Somalida si loo abuuro waxa lagu magacaabo “Itoobiyada Weyn ee Geeska Afrika.”

Dawladda Itoobiya ee maanta jirta dawladda ka dambaysa maxay noqon? Miyaanay arrintu ahayn dambas huwan dhuxul dab ah oo aan taariikhda is-bedelin? Xididada dhiigga Itoobiya waxaa waraabsha nacaybka ay u hayaan Somalida iyo damaca ka haya dhulkooda iyo badooda.

Cadaawad guun ah oo jirta 500 oo sannadood oo aan weli laga wada hadlin lagana heshiin laguma xallinkaro dhawr saacadood. Itoobiya waxay sheeganaysay dhulka Somalida muddo 500 oo sannadood ah waxayna mudadaas ku riyoonjirtay inay xoog ku qabsato dhulka Somaliyeed waase suurtoobiweyday, maantase waxay rabtaa inay siyaasad ku qabsato (iyada oo shacabka Somaliyeed laga dhaadhicinayo in Somalia iyo Itoobiya ay yihiin laba ummadood oo wada dhashay, walaalo ah oo is-jecel si dhagarta loo qariyo) oo si tartiib-tartiib ah ku soo geliso malaayiin Oromo ah, ku hubayso dabadeedna si fudud u liqdo Somalida oo dhan kuna muquuniso xoog ay kula wareegto; Somalidana laga dhigo wax la laayo iyo wax la qaxiyo sida Falastiin si dalka loo hantiyo. Ujeedadu Midnimo Maaha ee Waa Qabsasho.

Sanadahan ugu dambeeya waxay Ooramadu si weyn ugu soo qulqulaysaa dhulka Somalida xorta ah waxaynu si cad u sheegtaan in iyagu leeyihiin dhulka Somaliyeed oo dhan bed iyo berriba. Waxaa hadda dagaal ba’an lagu hayaa Somall Galbeed si dhulkooda looga barakiciyo dabadeedna loogu soo duulo dhulka Somaliyeed ee xorta. Somalidu waa inay si wadajir ah fadhiga uga kacdaa kuna khasabtaa Ooramada inay ku ekaadaan degaankooda. Waxaa kale oo muhiim in Ooramada laga saaro si dhakhso Somalia iyo Somalilandba.

Qawaaniintii caalamka maanta way burburtay oo dad iyo dalna laguma ixtiraamo xaqa madaxbanaanida haddii aan ummadda lahi heegan joogto ah ugelin difaaciisa iyo badbaadintiisa. Maanta adduunyadu waxa weeye kii xoog lahoo, reerka u hadh (qabso cidda aad ka xoog-roontahay).

Eebbe (S.W.T) waxa uu siiyo ummad waxaa ugu qiimo badan dhul hooyo ee ay leedahay oo ku faanto kuna noolaato si xor ah. Maanta Falastiin ayaa og qiimaha uu dhulku leeyahay oo muddo 70 sano ah maalinkasta dhiig u daadinaysa si ay u xoroowdo.

Markii uu Abiye Ahmed oggolaaday inuu Eratariya uga hadho dhulkii ay isku baaba’sheen muddo 30 sano ah, waxaa muuqata inuu rabo inuu awoodda Itoobiya isugu geeyo ku qabsashada Somalia siyaasad marka hore dabadeedna xoog loo adeegsado taas oo Itoobiya ku taamaysay ama ku riyoonaysay muddo 500 sano ah si ay u dhaxasho dhulka iyo badaha Somaliyeed.

Abiye Axmed waxaa uu yidhi seddexdan arrimood: “Waxaa Itoobiya dhisanaysaa ciidan bad oo xoog leh (iyada oo aan lahayn wax bad ah), waxaanu la wareegaynaa afar dekadood oo Somalidu leedahay (si ay saldhig ugu noqdaan ciidamada badda ee Itoobiya), waxaanu Somalia iyo Itoobiya isku noqonayaan hal dal. Waxaa kale oo uu yidhi: “Somalia, Itoobiya iyo Eratariya waxay yeelandoonaan hal madaxweyne.” Waxaa markaas cad in dad la yidhaahdo Somali iyo dal la yidhaahdo Somalia ay meesha ka baxayaan. Somalidu (mid xor ah iyo mid lahaystaba) waa inay badbaadisaa oo difaacdaa sharafta jinsigeeda, diinteeda, dhulkeeda, badaheeda iyo cirkeeda Eebbe ku manaystay Kownkan ilaa Maalinta Qiyaamaha.

Somalidu waa inay ogtahay cadowga jiritaankeeda isla markaana iska saartaa ciidamada, qaxootiyada iyo basaasiinta ka yimid dalalka deriska la ah Somalia siiba Itoobiya iyo Kenya. Gabyaa hore oo Somaliyeed ayaa yidhi: “Ninkaad dili, ninkaad dagi, ninkaad dabin uqoolaasid, waa la isku kala daadiyaa yuusan ka didine.” Gabyaagii Faarax Nuur (Eebbe ha u naxariiste) waxaa uu isna yidhi: “Doqonbaa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane, Manaa mindiyo lay qarshaa, laygu qalidoono.” Waxaa muhiim ah in baarlamaanku baaba’sho dhammaan sheshiisyadii lala galay Itoobiya laga bilaabo dawladii Cabdullaahi Yusuf Ahmed si loo burburiyo dhammaan shirqooladii soo taxnaa muddo ee Itoobiya.

Haddii Somalidu rabto inay ka adkaato cadawgeeda oo burburiso shirqoolada loo maleegayo waa in Diinta Islaamku iyo wadaninimadu ka sarraysaa qabyaalada maanta halista ku haysa jiritaankeeda. Siyaasiyiinta, culimada, madaxda dhaqanka, indheergaradka, saxaafadda madaxbanaan, baraha bulshada iyo ururada bulshadu waa inay ka doodaan kana hadlaan halistan ku cusub geyiga Somaliyeed si looga hortago loogana badbaadsho dalka, dadka iyo badda dhaxal-wareeg loona fashiliyo riyada guunka ah ee jirta 500 ee sano.

Damaca cadaaweed ee Itoobiya ka sokow, waxaa samanadan ku dhiirigelinayay Itoobiya inay qabsato Somalia dalal aynu isku Diin nahay iyo kuwo aan kala diin nahay si gacanta loogu dhigo shidaalka weyn ee ku jira dhulka Somalida. Waxay Sirdoonka Sacuudigu hore u sheegeen una soo jeediyeen in Itoobiya la wareegto Somalia mustaqbalka sida uu madaxii hore ee sirdoonka Sacuudiga, Anwar Al-Cishqi, ka sheegay goob fagaare ah. Markaas, Ujeedadu Midnimo Maaha ee Waa Qabsasho. Waa in si weyn looga hortagaa oo loo fashiliyaa shirqoolka halista ah ee huwan midnimo been ah. Marnaba maaha waxaa dhicikara midnimo dhexmarta Somalia iyo Itoobiya waayo taariikhda dheer ee cadaawadda ku dhisan ayaa diidaysa. Wadaninimo iyo wadajir ayaa looga adkaankaraa cadowkasta oo xoog leh.

Dhul la’aan waa jiritaan la’aan.

W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid