Dalka Baxreyn oo dalbaday in Qadar laga saaro Golaha iskaashiga Khaliijka

Manama (Caasimadda Online) –   Iyadoo ay meel xun mareyso xiriirka dowladaha Khaliijka iyo dalka Qatar Dowladda Baxreyn ayaa dalbatay in dalka Qadar laga saaro xubinnimida Ururka Iskaashiga Khaliijka Carabta ee GCC loo soo gaabiyo.

Khaalid bin Axmed Al-Khaliifa oo ah  Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Baxreyn Khaalid bin Axmed Al-Khaliifa ayaa Twitterkiisa ku sheegay in Dowladda Baxreyn aysan ka qeyb geleyn shirka Golaha iskaashiga Khaliijka Carabta ee ka dhacaya Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar.

Khaalid ayaa sheegaya in Qadar haddii aysan is ka beddelin mowqifkeeda hadda aysan Baxreyn ka qeybqaadan doonin shirka Golaha ee ka dhacaya Qaahira.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku baaqay in Golaha Iskaashiga Khaliijka Carabta ay xubinnimada kala laabtaan Qadar,haddii kalena aysan Baxreyn tageyn shirka soo socda.

Waddamada Sucuudiga,Imaaraadka,Baxreyn iyo Masar ayaa 5tii June xiriirka u jaray Dalka Qadar kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay taageerto Argagixisada,sidoo kalena xiriir dhow la leedahay Dalka Iraan.

Xiisadda Dowladaha Khaliijka ayaa cirka isku sii shareerayo, waxayna dowladaha ku kacsan Qatar doonayaan inay dowladaha adduunka ka helaan olole ka dhan ah dalkaas si loo saaro cuna qabateyn dhinac walba ah.

Dowladda Qatar ilaa hadda arrintaan wax jawaab ah kama bixin, waxaana muuqato in dowladaha kale ee go’doominta saaray ay iyagana ku qanacsan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com