Dalsan Media oo dacwad kusoo oogeysa wasiirka amniga DF SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalsan Media Group oo  ah Warbaahin ka kooban Idaacad iyo TV, oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho ayaa dacwad kusoo oogaysa wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Ducaale ayaa lagu eedeeyey in  ilaaladiisa ay 24/8/2019 rasaas ku fureen gaari ay la socdeen ilaa afar ka mid ah shaqaalaha Dalsan Media.

Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee wadadda Maka Al-mukarama, waxaana Dalsan Media Group ay sheegtay in rasaas si ku talagal ah loogu furay  gaariga shirkadda Dalsan Media Group, taas oo dhalisay khasaaro soo gaaray gaarigga, iyadoo shaqaalihii la socday ay ka badbaadeen, balse ay la kulmeen dhaawac maskaxeed qaarkoodna ilaa iyo haatan ay la il daran yihiin maadaama ku dhawaad 40-Xabadood ay jaha kasta kaga dhacday Gaarigga.

Qareenka u doodaya Dalsan Media Group Daahir Maxamed Cali (Daahir Carab) ayaa warqad Ogeysiin  Sharci ah Maanta u diray Wasiirka amniga iyadoo la ogeysiiyey wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, taasoo ku saabsan dhacdadii 24-kii Agoosto.

Qoraalka loo diray Wasiirka Islow ayaa looga dalbaday inuu xaliyo falkii lagu rasaaseeyey Gaarigga Dalsan TV isagoo mudeeyey inu ku xaliyo muddo 7-maalmood ah, wuxuuna intaas ku daray in Madaxda Dalsan Media Group ay dhowr jeer la xiriireen Wasiir Islow  si ay arrintaas ay ugala hadlaan, hase’ahaatee aanu ka Jawaabin.

Qareen Daahir Carab ayaa qoraalkiisa ku wargeliyey Wasiirka Amniga inuu muddo 7 maalmood ah xal uga gaaro arrintan lana xiriiro madaxda Dalsan Media Group, taas oo haddii aysan dhicin  uu raadin doono dariiq sharci ah oo kale si loo difaaco xuquuqda wakiiladiisa.

Halkaan Ka Akhriso Warqadda Qareenka Difaacaya Dalsan Media Group