Sawirro: Kheyre iyo Filish oo kulankoodii u horreeyey ku yeeshay xarunta gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kharye oo maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta maamulka gobalka Banaadir, ayaa kulan la qaatay guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)

Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyaya cusub ee gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa looga hadlay horumarinta gobalka, sare u qaadidda amniga iyo bilicda caasimadda.

Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Ra’iisul wasaaraha warbixin ka siisyay sida ay howluhu u socdaan iyo qorshayaasha uga degsan dardar-gelinta shaqooyinka horumarinta gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoomiyaha u ballan qaaday in xukuumaddu maamulkiisa kala shaqeyneyso fulinta qorshayaasha horumarineed, ayaa guddoomiyaha faray in maamulka gobalku la yimaado qorshayaal cadcad oo lagu xaqiijinayo horumarka caasimadda dalka.

Kulanka maanta ayaa imanaya, ayada oo Kheyre iyo Filish uu ka dhaxeeyo khilaaf salka ku haya Ciidamada maamulaya Aqalka Dowladda Hoose iyo go’aanka amniga Muqdisho.

Cumar Filish, duqa cusub ayaa dalbaday in xilka laga qaado taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir kadib markii Saadaq John iyo Cumar Filish isku maan dhaafeen Ciidamo uu Cumar Filish keensaday Aqalka Dowladda Hoose, taasi oo Kheyre uu diiday.