Wada-hadalladii DF iyo Ahlu Sunna oo istaagay iyo shuruud adag oo lagu xiray

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa hakad galay wadahadallo maalmihii la soo dhaafay Dhuusamareeb uga socday hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka oo ay matalayeen Wasiirrada Amniga iyo Arimaha Gudaha.

Sababta ay hakadka u galeen wadahadalladaas ayaa sida ay xogta ku helso Caasimada Online waxey tahay in meelaha qaar heshiisyadii ay galeen dhinacyadu oo looga maarmi waayey inuu goobjoog ka noqdo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Arrimaha la’aantiis socon waayey Kheyre waxaa ka mid ah lacag aan la shaacin cadadkeeda oo ku jirta heshiiska ay wada galeen Ahlu-Sunna iyo xukuumadda federaalka iyo saamiga ay Ahlu-Sunna ku yeelaneyso maamulka cusub ee loo dhisayso Galmudug.

Waxeyna Ahlu-Sunna ku adkeysatay inaysan jirin wax kulan ah oo sii socan kara hadii uusan Dhuusamareeb tagin Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhinaca kale cawaa ayaa xarunta Shiirkole ee magaalada Dhuusamareeb oo ah halka lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa waxaa munaasabad loogu qabanayaa Ergada beelaha Galmudug ku mataleysa shirka dib u heshiisiinta.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo xubnaha guddiga dib u heshiisiinta ayaa kasoo qeyb galaya munaasabadda waxaana lagu wadaa in isla caawa la shaaciyo xiliga uu furmayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com