DANAB oo gacanta kusoo dhigay xubno Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska xooga dalka Soomaaliyeed ee DANAB, gaar ahaan ururka 7-aad ee guutada 16-aad ayaa howl-galo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaah Dhexe.

Howl-galka oo si gaar ah looga fuliyay deegaanka Madax-Gise ee Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa lagu qabtay saddex dagaalame oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Taliyaha ururka 7-aad ee guutada 16-aad ee DANAB, Laba-Xidigle Siciid Muuse Hassan (Siciid Khabiib) ayaa in howl-galka ay kusoo furteen labo qori oo nooca AK47 oo ay isticmaalayeen dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay inay laamaha amniga ee dalka u gudbinayaan hubka ay kasoo furteen kooxda argagixisada.

Horaanta toddobaadkan ayey aheyd markii howl-gal ay qaadeen ciidamada DANAB ay ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay ku dileen, ayada oo nolosha lagu soo qabtay mid ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa howl-galkaas Al-Shabaab looga furtay afar qori oo AK-47 ah iyo hal qori oo BKM ah, howl-galadaan ayaa waxay qeyb ka yihiin guluf kooxda looga sifeynayo gobolada.

Si kastaba, Ciidamada Kumaandooska ee DANAB ayaa inta badan howl-galo gaar ah ka sameeya deegaanada iyo degmooyinka ku yaalla gobolada dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.