31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

QM oo xafiis laga maamulo GOBOLADA dhexe ka furaneysa Beledweyne

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa sheegtay maanta oo Sabti ah in xafiis gaar u ah UNSOM ay ka furaneyso dhawaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo maanta tagay magaalada Beledweyne.

Danjire Kay ayaa gobalka Hiiraan in uu yahay gobal muhiim ah marka loo eego gobalada dhexe sidaas darteedna UNSOM ay ka furaneyso xafiis gaar ah.

Danjiraha markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif wuxuu durba kulamo la qaatay maamulka gobalka iyo saraakiisha ciidamada AMISOM, dabadeed wuxuu la kulmay ururka dhallinyarada iyo wax garadka, wuxuuna sheegay reer Hiiraan in looga baahan yahay in ay ka tashadaan masiirkooda oo aysan ku tashan AMISOM, QM iyo dowladda fedaraalka

Waa markii ugu horreysay oo danjire Kay u tago magaalada Beledweyne Xarunta gobalka Hiiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News