Darawalka guddoomiye Mursal oo shaaciyay cidda u fududeysay ku biirista Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Darawalka guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan u goostay Al-Shabaab, ayaa shaaciyay in Ugaas ka tirsan beeshiisa u fudeydiyay inuu iska dhiibo deegaanada kooxdaasi.

Ninkaan oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen ayaa waxa uu ku sheegay cod ay ka baahisay warbaahinta Al-Shabaab in markii uu kasii baxayay magaalada Muqdisho uu la hadlay Ugaaska beeshiisa kadibna uu ku xiray horjooge ka tirsan kooxda.

“Habeen ayaa iskaga soo tagay xaafadeyda oo subaxii aan mooto soo raacay, telefoonkeyga iyo document-yadeydii waa kasoo tagay. Ceelasha ayaa imaaday oo uga sii gudbay Afgooye, yarkii Mootada ayaa ka wacay Ugaaska oo igu soo xiriiriyay qofka meesha ikeenay oo sidaas ayaa ku imaaday,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu Darawalka u ahaa guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka uu ku noola cabsi, maadama aysan jirin masuuliyad la iska saarayo amnigiisa, marka laga imaado marka uu gaariga u wado Mursal.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyey in ninkaan uu la shaqeynayey afartii sano ee lasoo dhaafay, islamarkaana uusan garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Xuseen uu ku biiro Al-Shabaab.

“Ninkaas darawal ayuu ahaa Wasaaradda Gaashaandhigga ayuu iga soo raacay markaan guddoomiyaha Baarlamaanka noqday, wuxuuna ii ahaa darawal ila shaqeeya. Ninkaas oo Xuseen ahaa 4 sanno ila shaqeynayey lama hayo sabab rasmi ah oo ninkii halkaas u aaday, laakiin waa inaan u deynyaa hay’adaha amniga,” ayuu yiri.

Mursal oo hadda ku maqan dalka dibaddiisa ayaa sheegay in ninkaan laba maalin kahor uu ka tegay gurigiisa magaalada Muqdisho, kadibna markii la waayey lagu wargeliyay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, si ay dabagal ugu sameeyaan.

Warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ninkan baxsaday ee u galay Al-Shabaab uu soo galay raadka weerarkii lagu qaaday hoteelka Villa Rays oo ku dhow xarunta madaxtooyada, ayadoo la qabtay dad u dhowaa isaga, sida ay ku warameen ilo xilkas ah.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan arrintan la xiriirta darawalka Maxamed Mursal, oo dhalisay hadal heyn iyo shaki xoogan.