DF oo war kasoo saartay ciidamada Eritrea laga keenay iyo qorshaha ay ka leedahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidda qeybtii ugu horreysay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka muddada dheer ugu maqnaa dalka Eritrea.

Ciidamadan cusub oo tababar ku soo qaatay xeryaha waddanka Eritrea ayaa muddo la sugayey, waxaana garoonka kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadan maanta dalka dib loogu soo celiyay ay billow u yihiin qorshaha ay dowladda dib ugu soo wada celineyso ciidamadii Eritrea ku maqna mudada dheer.

Waxa uu sheegay wasiirka in ciidankan dalka dib loogu soo celiyay iyo kuwa soo socdaba ay tahay ka qeyb noqoshada howl-galada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda guud ahaan dalka.

“Ciidamadaan waxay qeyb ka noqon doonaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, sida aad la socotaan madaxweyne Xasan Sheekh muddo labo jeer ah ayuu ku laabtay Eritrea isaga oo dadaalo gaar ah ku bixinayo soo laabashada ciidamadaas si ay uga qeyb qaataan howl-galada socda, maanta ayey inoo suurta-gashay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in soo laabashada ciidamadaan ay dhabar-jab xoogan ku tahay Al-Shabaab iyo cid walba oo nabada & guud ahaan dalka dhib ku haysa, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda guud ahaan waxay sii wadi doonta howl-galadaas, waxa kale oo sii wadi doonta horumarinta, tayeynta iyo tababarada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo xaqiiqdii kaalin mug leh ka geystay la-dagaalanka Khawaarijta.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Haddii Ilaahay yiraahdo mustaqbalka dhow Soomaaliya waxay ku noolaan doonta ayada oo aysan ku nooleyn Khawaarij, ciidamo tayeysan oo tababaran ay lahaan doonto.”

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bilaabayo keenista ciidamadaan, islamarkaana la soo dhameystirayo illaa bisha Janaayo.

Dhalinyaradaan oo tababar ugu maqna dalka Eritrea muddo ku dhow afar sano ayaa waxaa aad u yar macluumaadka laga heli karo, waxayna galeen tababar culus oo noocyo badan leh.