Khilaaf ka dhex qarxay baarlamanka Soomaaliya iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho  ayaa isku khilaafay doodda ku aadan amniga, gaar ahaan u yeerista hay’adaha amniga.

Dooda amniga oo maalmo soo taagneyd ayaa dhalisay khilaaf horleh oo ka dhashay in loo yeero qaar kamid ah hay’adaha amniga, si ay hor yimaadaan Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan ku kala aragti duwanaaday, taasi oo keentay in ajendaha amniga la laabo ama dib loo dhigo.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo kamid ah xubnaha dooda ka qayb-galay ayaa kulanka ka sheegay in aan hadda la joojin xilligii lala xisaabtami lahaa hay’adaha amniga dowladda, balse la joogo xilligii la sixi lahaa ama la toosin  sida uu ku dooday.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ku taliyay in aan la siyaasadeyn arrimaha amniga, sidoo kalena aan laga faa’iideysan culeyska hadda saaraan hoggaanka hay’adaha amniga.

“Howlaha ammaanka wax la’isku tuur tuuri karo ma’aha, xildhibaanada xasaanadoodana waa wax meesha yaallo, ammaanka sugistiisana waa wax meesha yaallo. Xilligii hay’adaha ammaanka lala xisaabtami lahaa lama gaarin, xilligii la sixi lahaa oo la toosi lahaa ayaa la joogaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo kulanka ka hadlay.

Intaasi kadib waxaa hadalka qaaday guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo doodan dib ugu celiyay guddiga amniga ee Baarlamaanka, wuxuuna ku amray inay dib ugu noqdaan, kadibna ay go’aanka iyo cidda loo yeerayo kusoo celiyaan Golaha.

“Adinka guddigii ah inaad kala hadashiin waa laga qurxoon yahay marka aniga waxaan qabaa hal mar isku noqda, kadibna go’aan soo gaara,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Maalmihii u dambeeyay xubnaha Golaha Shacabka ay si weyn kulamadooda diirrada ugu saarayey ammaanka, kadib markii ay kordheen falalka amni darrada ee ka dhacaya dalka.