Maleeshiyo xiran dareeska ciidamada DF oo qaati laga taaagan yahay

Afgooye (Caasimada Online) Waxaa saakay la joojiyay dhammaan gawaarida ka shaqeesa Afgooye iyo Marka, kaddib markii ay soo bateen kooxo xiran dharka ciidamada dowladda kuwaasoo dhac iyo tacadiyo kula kaca dadka rayidka ee ku safra waddadaas.

Qaar ka mid ah darwalada ka shaqeeya wadooyinka Afgooye iyo Marka oo saakay (Sabti ah) la hadlay Idaacadda GOOBJOOG ayaa sheegay in ay qaati ka taagan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo dhawaan laga qaaday isbaaro u tiilay deeganka Baar-Ismaacil ee degmada Afgooye.

Waxa ay shegeen in markii ciidamadan laga ceyriyay Isbaaradii u tiilay Baar Ismaacil in ay billaabeen qaab cusub oo ay ku dhacaan baabuurta iyo dadka safarka ah ee adeegsaday waddadaas.

“Waxaan rabaa in aan idiin sheego waxaa saakay aan joojinay baabuurta, waayo isbaarooyin cusub ayaa ka bilaabatay Afgooye, ciidamada millitariga ayaa dhac iyo tacadiyo u geesta baabuurta iyo dadka oo ay baataan” ayuu sheegay mid ka mid ah darawalada.

Waxa ay baaq u direen dowladda Soomaaliya, iyagoona ka codsaday in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka soo food saartay afartii cisho ee la soo dhaafay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo darwalada adeegsada waddada isku xirta Afgooye iyo Marka ay muujiyaan dhibaatooyinka ay kala kulmaan ciidamada dowladda.

Dhawaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo maamulka Marka waxa ay sheegeen in lagu guuleestay qaadista isbaarooyin yaalay magaalada Marka iyo deeganka Buufow ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho