DDF waa sababta shacabku u taageereen Xasan Sheekh

Marka hore aan ogaano ereyadda laga soo gaabiyey DDF. DDF waa sedex xaraf oo u taagan sedexda erey ee kala ah Dastuuri Dimuquraadi Federaali, 3-da erey waa kuwa astaanta u ah jiritaanka aasaasiga ah ee dowladnimo casri ah. Shacabka ayaa ku bartey Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ahaanshaha hogaamiye ah DDF xiligiisii 1aad ee uu xilka hayey 2012 ilaa 2017, Madaxweynihii 8aad JS. Hadana, shacabka ayaa ku xaqiiqsadey DDF-nimadda Md.Xasan khudbadiisii 14.05.22 uu ka horjeediyey kulanka Golaha Shacabka labada aqal taasoo dadka Soomaaliyeed u cadeysey in Musharax Xasan Shiikh uu u qalmo inuu noqdo Madaxweynaha JFS maadaama uu ahaa welina ku taagan yahay mabda’ DDF ee ay ku dhisan tahay Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaaliya. Bal aan isla eegno hadaladii uu Xasan Shiikh ka yiri markii uu ka hadlayey arrimaha DDF. 

Dastuurka

Ballan-qaadyadda Madaxweynaha waxay wada ahaayeen Dastuuri, khubadiisa wuxuu diirada ku saarey qodobo muujinaya ilaalinta dastuurka. Gaar ahaan ilaainta xuquuqaha muwaadinka ee ka qeyb-qaadashada siyaadasadda, amaankiisa, helitaanka cadaalad iyo cabsigalin  la’aan. Md. Xasan ayaa yiri….. Waxaan ballan-qaadaya in sharafta iyo karaamadda dadka iyo dalka Soomaaliya aad loo ilaaliyo, waxaan ballan-qaadaya in qof muwaadin Soomaaliyeed aan dal kale loo dhiibin, waxaan ballan-qaadayaa qof Soomaali ah fikirka siyaasiga uu aaminsan yahay in aanan loo caburin loona cadaadin, waxaan ballan-qaadayaa in dalka deegaano kamid ah inaanan lagu soo rogin cunaqabteyn iyo cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Igama fileysaan in mashaakilaadka siyaasadeed ee dalka ka jira qori lagu xaliyo, in caburin lagu xaliyo, in cabsigalin lagu xaliyo, waxaan aad uga shaqeyn doonaa in qofka Soomaaliga maskaxda xor ka ahaado, caqli iyo damiirkana uu xor ka ahaado, aanu ku noolaan cabsi, aanu dhinacyaha fiirfiirin marka uu ra’yigiisa cabirayo. Waxaan waasicin doonaa saaxadda siyaasadda si ay dadka Soomaalida ay ra’yigooda si xornimo ah ugu soo bandhigaan. sidoo kale, dib-u-heshiinta siyaasadeed ayuu ka yiri in dastuurka oo si dhamasytiran loogu heshiiyaa ay tahay sababta keeneysa dib-u-heshiin siyaasadeed, wuxuu yiri “Dib-u-heshiisiinta Siyaasadda waxaa aasaas u noqon doona Dastuurka dalka loo diyaarinayo, haddii dastuurka qodobadiisa lagu heshiiyo waxaan aaminsan nahay in dib-u-heshiisiinta siyaasadda ay meel gaartey laguna dhaqmi doono”.

Dimuquraadiyadda

Md. Xasan ayaa yiri….. Dalkan kama suurowdo inay dib ugu soo laabato diktatooriyad oo qofi xukunka iska joogo, asagoo aan heysanin sharciyad. Dalkan kama suurowdo koox gaar ah ama heyb gaar ah iyo deegaano gaar ah inay yiraahdaan dalka xukunkiisa annagaa la wareegney. Waxaan aasaas uga dhigaynaa dimuqraadiyadeena xisbiyadda siyaasadda. Waxaan abuureynaa nidaam in dadka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan hey’adaha dastuuriga ah. Dhisida kalsoonidda dadka ee ku salaysan dimuquraadiyadda waa aasaaska aan doonayno inay dimuquraadiyeynta sal u ahaato.

Federaalka

Md. Xasan ayaa yiri…..Waxaa la sii xoojinayaa oo aan daadajin doonaa nidaamka federaalka oo ilaa iyo heer degmo iyo heer tuulo la gaarsiin doono, si mabaadii’dii federaalka ee aheyd xukunka iyo dowladnimadda in loo dhoweeyo dadka taladooda iyo talada dalka guud ahaanba. 

Khudbadan ayaa keentey in Mudane Xasan Shiikh uu ku soo baxo  65.4% codadka golayaasha shacabka 2022, halka Madaxweynehii ka horeeyey uu 2017 ku soo baxay 56.3%. Farqiga boqoleyda ee ay labada Madaxweyne uu midba mar ku guulaystey ayaa tilmaamaya sida dadka Soomaaliyeed u tabeen fikirkii Xasan Shiikh ee nidaamka dowladnimo ee ku dhisan DDF, ayna u doonayeen in fikirkaas la soo celiyo uuna noqdo mid hadda ka dib la waariyo.

Dowlad Dastuuri Dimuquraadi Federaali ah. 

Hassan Said Mohamed
hassan.saciid@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.