Kulan xasaasi ah oo u socda Golaha Wasiirada ayaa lagu horkeenay soo jeedin ku aadan magacaabis xilal, iyadoo kulanka laga akhriyay warbixin.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xilka laga qaaday iyadoo la fiirinayo awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada.
Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa soo baxay warar sheegayo in xilka laga qaadi doono maadaama aysan macquul aheyn in beesha uu kasoo jeedo Madaale ay sii heyso xilkaan, maadaama ay heleen xilal kale.