Abwaan Nageeye oo 100 maalmood kadib soo muuqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo bishii October ee sanadkii tegay la sheegay inuu aaday dhanka kooxda Al-Shabaab ayaa goordhoweyd kasoo muuqday bartiisa rasmiga ah ee Facebook.

Nageeye ayaa warkiisa la weysana tan iyo markii la sheegay inuu Al-Shabaab u galay, hase yeeshe maanta ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku muujiyay inuu nabad qabo, uuna dib ka faah-faahin doono sida ay wax u jiraan.

“Salaan iyo galab wanaagsan Soomaali dhammaantiinba. Boqol maalmood ka dib, waan ku faraxsanahay in aan ku soo laabtay Facebook. Hadal hayntuna kollay way iska badnayd. Aniga ayaa dhawaan ka hadli doona,” ayuu Abwaan Nageeye ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu soo raaciyay qoraalkaan sawir u saaran yahay gaari, kaasi oo u muuqda mid lagu qaaday dhul baadiya ah.

Ninkan oo horey u ahaa macalin wax ka dhiga Jaamacadda Ummadda, islamarkaana aad looga yaqaano dalka ayaa bishii October ee sanadkii dhamaaday la sheegay inuu aaday dhanka kooxda Al-Shabaab, oo wajaheysa guluf dagaal oo culus, wuxuuna ahaa nin aad Facebook wax ugu daabici jiray.

Waxaa sidoo kale markaas la baahiyay sawirro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanaya magaalada Jilib oo xarun u ah Al-Shabaab iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Jubooyinka oo kooxda ay ka taliso, marka uu tegay magaalooyinkaas waa 2021-kii.

Arrinta Nageeye ayaa markii ay soo baxday ka yaabisay dadka Soomaaliyeed, maadaama uu ahaa nin bulshaawi ah, aqoonyahan ah, shaqooyin fiican heysta, lahaana taageerayaal badan oo ka helay suugaantiisa iyo xirfadiisa macalinimada.

Hoos ka arag sawirka