DF oo kulan xasaasi ah la yeelatay odayaasha beelaha Samaroon iyo Ciise + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta nagaalada Muqdisho kula kulmay Salaadiin, Ugaasyo, Cuqaal ka soo jeeda gobolka Awdal, kuwaasi oo ka tirsan 135 iyo qaar kale oo ka soo jeedo gobolka Awdal.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Senator Deeqa Xasan Xuseen oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi.

Kulanka ayaa odayaasha beelaha Samaroon iyo Ciise waxa ay ku soo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib go’aankii Muuse Biixi uu Itoobiya ku siiyay badda Saylac.

Qaar ka tirsan odayaasha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Muuse Biixi oo aan sharci ku joogin uu ictiraaf ku raadinayo dhiiga umadda iyo qaddiyadda Awdal in ay u baahantahay difaac, ayna diyaar u yihiin dagaal iyo iska dhiciyaan cadowga.

Senator Deeqa Xasan Xuseen ayaa sidoo kale sheegtay ahmiyadda ay leeyihiin kulamadan oo kale, iyada oo ammaantay kaalinta odayaasha dhaqananka ee ku aadan ka hortagga damaca Itoobiya ee ku aaddan dhul boobka.

Senator Bilaal Idiris isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aannu war dhinneyn, oo la doonayo ficil iyo ka hortagga damaca Itoobiya iyo difaaca dhulkan dhaxalka u ah umadda Soomaaliyeed.

Wasiir Axmed Fiqi oo ugu dambeyntii ka hadlay kulanka ayaa sharaxay mowqifka dowladda federaalka ee soo jireenka ah ee ilaalinta bedqabka midnimada dhuleed iyo dad ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay “in kulankan uu qeyb ka yahay dhaqanka wasaaradda ee ah in odeyaasha dhaqanka ee gobollada dalka lagala tashto, talo laga weydiiyo arrimaha kusoo kordha deegaankooda, si dhinac walba ay qeyb uga noqdaan go’aannada,” waxaa uuna bogaadiyay sida shacabka Awdal ay diyaar ugu yihiin difaaca qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu ku dheeraaday damaca Itooboya iyo sida ay weligeed ugu hangal taagaysay Saylac ilaa Isticmaarkii, isaga oo hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed ay weligood difaaci jireen dhulkooda, welina ay diyaar u yihiin.

Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalooyinka Boorama iyo Lughaya ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo heshiiskii uu Muuse Biixi ugu saxiixay Itoobiya qeybo kamid ah badda Soomaaliya, ayada oo sidoo kale kacdoon hubeysan oo ka dhan ah damaca Itoobiya looga dhawaaqay Lughaya.