31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Faah-faahin:Dagaal ka socda Shabeellaha Hoose iyo wax yaabaha uu salka ku hayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa dagaallo maalintii labaad ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

In ka badan 20 qof oo u badan u dhinacyada dagaalamaya ayaa la sheegay in dagaalka ay ku dhinteen, waxaa kaloo wararka ay sheegayan in dagaalka uu ku baahanay deeganno kale.

Deegannada lagu dagaalamayo ayaa hoos-taga degmooyinka Marka iyo Aw-dheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka muxuu salka ku hayaa?

Sida ay lee yihiin dadka aan la hadalnay dagaalka ayaa ka billowday tuulo lagu magacaabo Aybuutey kaddibna uu ku fiday tuulooyinka Gumeysi-diid, Jannaale iyo kuwo kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa daba socda dagaallo horrey u dhexmaray labadan maleeshiyaad oo isku heesta dhul.

Dagaalka waxaa kaloo la sheegayaa in ay qayb yihiin ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa millitariga.

Dagaalka ayaa sababay dad badan in ay ka barakacaan guryahooda si ay u baadiyaan nafsadoooda.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ku howlan joojinta dagaalka geystay khasaaraha ee maalintii labaad ka soconaya gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa ku soo beegmay iyadoo shaley deeganka Awdheegle lagu dilay nabadoon caan ahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News