Muqdisho (Caasimada Online) Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in golaha wasiiradda cusub ee xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed ay ka mid ahaan doonaan wasiiradii Cabdifaarax Saacid Shirdoon oo dhawaan waayay kalsoonida baarlamaanka.
Xafladii shaley lagu magacaabayay raysal wasaaraha cusub waxaa lagu arkay wasiirro horrey uga tirsanaa xukuumadii Saacid, mana cadda sababta keentay.
Wasiirada lagu arkay xafadda caleema saarka Raysal Wasaaraha cusub waxaa ka mid ahaa arrimaha dibedda, arrimaha gudaha iyo wasiirkii horre wasaaradda Horumirinta Adeega Bulshada.
Si kastaba, waxaa jirra warar sheegaya in raysal wasaaraha cusub xukuumadiisa cusub ku soo diri doono qaar ka mid ah golihii wasiiradda horre.
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo xuluashada golaha wasiiradda, waxaana magaalada ku soo qulqulaya siyaasiyiin isku garbinaya golaha wasiiradda cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

