Muqdisho (Caasimada Online) Waxaaa galabta dib Muqdisho ugu soo laabtay wafdi xildhibaanno ah oo uu hoggaaminaayo guddooyihii horre ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmahan Baydhabo ku sugnaa.
Wafdiga Shariif Xasan ayaa la sheegay in magaalada kala kulmeen muucarad xooggan oo ku saabsan qorshaha ay wadeen ah oo in maamulka cusub ee laga dhisaayo halkaas lagu koobo uun seddax gobal oo kala ah Bay, Baydhabo iyo Shabeellaha Hoose.
Shariif Xasan inta uusan ka soo ambabixin Baydhabo wuxuu shir jaraa’id ku qabtay Hotel Bakiin oo uu daganaa wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in maamul gaar ah loo sameeyo dadka deggan seddax gobal ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Wuxuu sheegay in uusan isaga ka soo horjeedin in la mideeeyo lixda gobal balse waa in lagu shaqeeyaa danaha dowladda fedaraalka oo rabta buu yiri marka horre in la dhiso seddaxda gobal haddii la midoobay hadhow hala qaato taladaas.
Shariif Xasan ayaa tilmaamay in dowladda federaalku aysan aqoonsan doonin maamul goboleed ka kooban lix gobol maadaama saddex gobol ee Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo ay u aqoonsantahay maamulka ku meel
gaarka ee Jubba.
Si kastaba, Shariif Xasan oo markii horre laga diray Muqdisho ayaa ku soo guul dareestay qorshaha uu baxay, waxaana jirra warar sheegaya in maalmaha soo socoda uu magaaladaas gaari doono wafdi kale oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

