Hargeysa (Caasimada Online) Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa galabta weerar ku qaaday xafiiska Wargeyska Hubaal ee magaalada Hargeysa.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay irdaha isugu laabeen xarunta xafiiska dabadeedna ay soo xireen labo wariye oo ka tirsan wargeyska sida ay noo sheegeen wariyaal Hargeysa ku sugan.
Ciidamada weeraray xarunta Wargeyska Hubaal ayaa fasax ka heestay maxkamadda, waxaana ay sheegeen in wargeysku uu been ka sheegay shaqada iyo wax qabadka ciidamada sidaas waxaa sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Somaliland Cabdulaahi Fadal Iimaan.
Bishii April ayaa xarunta Wargeyska weerar lagu qaaday waxaana la sheegayaa in khasaaro xooggan la gaarsiiyay arrintaas oo ururada xuquuqda aadanaha ay cambaareeyeen.
Si kastaba, Somalialand ayaa ku biirtay maamulada dhibaateeya saxaafadda madaxa banaan. waxaana dhawaan xabsiga ay dhigeen afar suxufiyiin oo u shaqeeya warbaahinta gudaha.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Hargeysa

