Baydhabo (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari uu ku bixiyay shirka maamul usameenta gobalada Koonfur Galbeed ee Bayadhabo ka socda lacag gaaraysa 20 kun oo doollar.
Lacagtan ayaa qayb ka ahayd 50,000 oo dollar oo loogu deeqay shirka ka socda Baydhabo sida ay noo sheegeen ilo xog-gaal ah oo diidday magacooda in ay baahino.
Prof Jawaari muxuu lacagtan u bixiyay?
Sida ay lee yihiin ilaha warkan aan ka soo xignay, waxaa sabab u ah in lacagtan uu bixiyo guddoomiyaha golaha baarlamaanka markii uu khilaaf soo kala dhex galay xildhibaannada ku sugan Baydhabo kuwaasoo u kala jabay kuwa taageersan Shariif Xasan iyo kuwa kale oo taageersan Aadan Madoobe.
Prof Jawaari wuxuu ka soo horjeeda qorshe uu wado Shariif Xasan ee ah in maamulka gobollada Koonfur-galbeed lagu koobo uun seddax gobal oo kala Baay, Bakool iyo Shabeellaah Hoose.
Lacagtan qayb kama bixin Shariif Xasan oo isna ku sugan magaalada Baydhabo halkaasoo ay ku shiran yihiin odayaal iyo siyaasiyiin ka qaybgalaya shirka Baydhabo ka socda.
Shariif Xasan muxuu wataa?
Shariif Xasan oo ah nin wajiyo badan horreyna gudddoomiyaha baarlamaanka uga soo noqday dowladihii KMG ah ee Soomaaliya, waxaa uu doonayaa in la badbaadiyo maamulka Axmed Madoobe oo ka kooban seddax gobal oo kala ah Gedo Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
Shariif Xasan inta uusan imaan Baydhabo wuxuu kulamo kula qaatay Villa Somalia madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa madaxweynaha uu ka cosaday Shariif Xasan in uu maamulka laga dhisayao Baydhabo lagu koobo seddex gobal maadama maamulka Axmed ay kal horre dowladda heshiis kula gashay Addis Ababa.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in uu furmo wajiga labaad ee shirka maamul u samaynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

