Nabaddoon caan ahaa oo lagu dilay..!!

Gaalkacyo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug lagu dilay nabadoon caan ahaa.

Wariyaha Caasimada Online ee Puntland, ayaa soo sheegay in nabadoonka ay dileen kooxo ku hubeysan bastoolado, waxaana ay ku dileen xaafadda Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Faarax Axmed Digile, sidoo kale waxaa dhacdadaas ku dhaawacantay haweeney agjoogtay nabadoonka la dilay.

Kooxda dilka geesatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana soo gaaray dilka kaddib goobta ciidamo ka tirsan kuwa Puntladn kuwaasoo baaritaano sameeyay.

Ma cadda sababta loo dilay nabadoonkan oo caan ka ahaa deegannada Puntland.

Puntland ayaa hadda isku diyaarineysa doorashada madaxweynaha taasoo lagu wado in ay dhacdo horaanta bisha January.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com