Xasan Sh oo si kulul u cambaareeyay dilka dhakhaatiirta reer Syria

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u cambaareyay weerarkii maanta barqadii lagu laayay dhakhaatiir u dhashay dalka Syria.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ku tilmaamay falkii lagu dilay takhaatiir Siiriyaan iyo Soomaali isagu jirta mid ay ka danbeeyaan dad diidan dowladnimo, nidaam iyo sharci. Hase yeeshee dowladdu wey ka go’antahay in dowladnimada la hirgeliyo oo nabadeynta la sii wado. Kuwii ka danbeeyey falkan waa in sharciga la horkeenaa oo ciqaabta tan ugu adag la marsiiyaa, bacdamaa ay sharafkii, karaamadii iyo sumcadii ummadda iyo dalka wax u dhimeen. Wallaalaha Siiriyaanka waxey u yimaadeen inay saacidaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, waxaa goordhow lagu aasay Muqdisho seddaxdii Soomaalida ahayd ee lala dilay dhakhaatiirta Siiriyaanka.

Dadka ku dhaqan Muqdisho ayaa si weyn uga xumaaday dilka dhakhaatiirta ka soo jeeda dalka Syria ee lagu dilay Muqdisho.

Meydadka dhakhaatiirta reer Syria ee la dilay ayaa hadda ku jirra qaboojiyaal yaalla isbtaalka Shifo ee magaalada Muqdisho, waxaana socda xiriir ku saabsan siddii waddankooda loogu qaadi lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com