KASHIFAAD: Musuqmaasuq qabiil iyo deegaan ku saleysan oo ka socda mid kamid ah wasaaradaha DF + Sababta

Maxaad kala socotaa musuq maasuq iyo qabyaalad baahsan ee ka dhex jirto Agaasinka Caafimaadka ee Dawladda Federaalka? Yaase ka masuul ah musuq masuqa iyo qabyaaladaas? Maamulada Somaliland iyo Puntland ilaa xadkee ka qeyb qaateen Musuqmaasuqaas? Hay’adaha UN-ka xadkee ku lug leeyihiin musuq maasuqa baahay? Deeq bixiyayaasha barnaamijka JHNP/EPHS ee Australian Aid (AusAID), EU, Government of Sweden (through Sida) Government of the United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland (through DFID) iyo US Agency for International Development (USAID) ilaa xadkee ayay ka warqabaan sida loo maamulo deeqaha ay usoo dhiibaan umada Soomaaliyeed? Yaase iska leh masuuliyadda sixitaanka markii qabyaalad iyo musuq maasuq soo dhex galaan hay’adaha dawladda?

Hadaba si aan ugu iftiimino aqristayaasha su’aalaha kor ku qoran oo dhan waxaan halkaan ugu soo bandhigi doonaa dhacdooyin iyo cadeymo xaqiiqo ah oo ku saabsan musuqmaasuqa iyo qabyaalada baahay ee ka dhex jirta agaasinka Caafimaadka ee wasaarada adeega Bulshada ee Dawladda Federaalka Somaliya.

Agaasimaha guud ee waaxda Caafimaadka ee wasaaradda adeega Bulshada ee dawladda Federaalka Soomaaliya Mr Ducaale Mohamed Aden iyo agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaarada Caafimaadka Somaliland Mr Khadar ayaa ku shirkoobay NGO lagu magacaabo ANPPCAN oo wadamo badan oo Africa ah ka hawl gala, balse Soomaaliya xaruntiisu tahay magaalada Hargaysa. Labadaan agaasime ayaa ku heshiiyey in ANPPCAN laga hawl geliyo koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyada oo Madaxa ANPPCAN ee koofurta laga dhigey gabar lagu magacaabo Rahmo oo la walaal ah Xaaska Mr Ducaale.

Mashaariicda ANPPCAN NGO sida musuq maasuqa ah looga dhiibay waxaa kamid ah:-

  1.  Wacyi grlinta cudurka Polio ee Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya. 
  1. EPHS Health, Nutrition and WASH assessment in Gedo, Galgaduud and Banaadir Region (Baaritaan Xogta Caafimaadka, heerka nafaqada, Biyaha, Nadaafada ee Gobolada Gedo, Galgaduud iyo Banaadir).
  1. UNICEF Breast Feeding Practices program in Banaadir region.

Sida la og yahay waxaa bisha May 2013 dib loogu arkay cudurka Polio-da qeyb kamid ah dalka Soomaaliya. si wax looga qabto soo noqoshada cudurka Polio-da waxaa la dardar geliyey ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha iyo wacyi gelinta cudurka Polio-da iyo dhibaatooyinkiisa. Si haddaba u suurtagasho dardar gelinta hawlaha Talaalka iyo wacyigelintiisaba hay’adaha UNICEF iyo WHO waxay iskaashi la sameeyeen Dawlada Soomaaliya gaar ahaan agaasinka Caafimaadka iyadoo la rajeynayay in si daacadnimo ku dheehan tahay  oo wadaniyad  iyo karti xirfad yaqaanimo wehliso uu agaasinka caafimaadka iskugu dabarido hawlaha ololaha talaalka cudurka Dabaysha lana yimaado talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan cirib tirka cudurka dabaysha Soomaaliya. waxaase nasiib daro noqotay in rajadaasi ay isla markiiba rumoobi weysay sababaha soo socda awgeed.

Waxyaabihii ugu horeeyay ee agaasime Ducaale soo bandhigay waxaa kamid ahaa isaga oo qasab kaga dhigay hay’adaha UNICEF iyo WHO inay la shaqeeyaan Hay’adda ANPPCAN oo ay shirkada ku yihiin gudaha Soomaaliya Mr Ducaale iyo Mr Khadar inay Maamusho oo lasoo mariyo lacagaha loogu talo galay wacyi gelinta Cudurka Dabaysha ee koofurta iyo Bartamaha, iyadoo lagu lamaaniyey Hay’adaha WARDI iyo MUSLIM AID. Waxaa in la xuso mudan in ANPPCAN ay xaq u leedahay inay ka shaqeyso hawl gal kasta oo ku saabsan wacyi gelinta ayna ka shaqeyn karto meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah sida Hay’adaha kale, waxaase mudan in la is weydiiyo maxay tahay sababta keeni karta in Hay’adihii ka shaqeyn jiray hawlaha cudurka dabaysha ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, lahaana khibrad iyo karti wax qabad oo la og yahay in la hoos geeyo ANPPCAN oo la wada og yahay in Bisha October 2012-ka ay kamid noqotay NGO-yada ka shaqeeya Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya! Maxayse tahay Dareenka ay bixineyso in ANPPCAN ay la wareegto degaano ka tirsan koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya gaar ahaan degmooyinka Afgoye iyo Awdhegle oo la og yahay inay ka shaqeeyaan hay’addo Maxali ah iyo kuwa caalami ah, iyaga oo garabka ka helaya Milkiilaha ANPPCAN keensaday koofurta iyo Bartamaha Somalia  Mr Ducaale Mohamed Aden oo ah Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Wasaaradda Adeega bulshada.

Mr Ducaale ayaa musuqmaasuqiisa uu haatan marayaa heerkii ugu sareeyey kadib markii uu Hay’adaha UNICEF iyo WHO ku qasbay NGO lagu magacaabo ANPPCAN oo ay wada leeyihiin Mr Khadar oo isagu ah agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Somaliland in loo dhiibo barnaamij qiimeeyn ah oo qeybka ka ah EPHS (Essential Package for Health services)  (Xaalada caafimaadka, Nafaqadarada iyo Nadaafada ee gobolada Banaadir, Gedo iyo Galgaduud).

Mr Ducaale, ayaa wasaaradda keensaday rag isaga qaraabo la ah oo uu ku qasbay in Hayadaha UNICEF iyo WHO ay mushaharka siiyaan qaab la taliyanimo, dadkaa sida musuqmaasuqa ah uu Ducaale ugu qasbay hay’adda  UNICEF iyo WHO waxaa Kamid Ahmed Discipline iyo Wiil Ahmed Discipline uu adeer u yahay laguna magacaabo Mahamed Sh Hassan Jiis, Mohamed Sheik Hassan Jiis oo Ducaale iyo Ahmed Discipline inta uusan hawlgabka ka gelin UNICEF ka shaqaaleysiiyeen UNICEF qeybta Polio-yada ayaa hay’adda UNICEF shaqada ka joojisey maadaama WHO Somalia horey ugu ruqseysay Mohamed Sheikh Hassan Jiis musuq maasuq badan oo uu ku sameeyay Mashruucii Polio-yada ee Gobolka Sh/hoose.

Kadib Markii Mohamed Sheikh Hassan Jiis UNICEF ka joojisay shaqada, ayaa  Mr Ducaale u dhiibtay xiriiriyaha Poilo-yada ee koofurta Soomaaliya iyadoo hay’adda UNICEF-na la amray inay bixiso mushaharka shaqsigaan loo keensaday in lagu lunsado lacagaha loogu talo galay Polio Somalia, gaar ahaan koofurta iyo bartamaha Somaliya.

Madaxda wasaarada Caafimaadka ayaa uun noqday kuwo ku mashquulsan inay ku qasbaan Hay’adaha UNICEF, WHO iyo UNFPA hay’ado ay iyagu wataan iyo kuwo ay lacago badan ka qaateen. Xulitaanka hay’adaha ka shaqeynaya mashruuca EPHS-ka ee gobolada Banaadir, Galgaduud iyo Gedo ayaa noqday mid musuqmaasuq hareeyay iyadoo Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee uu ugu horeeyaan Mr Ducaale, Dr Mohamed Farah, Mr Abdihamid ay noqdeen kuwo marin habaabiya mashruuca EPHS-ka iyaga oo u bedelay wasaaradii meel uun lacag laga sameeyo.

Musuqmaasuqa Ducaale iyo Koxdiisa oo xargaha goostay ayaa keenay inuu xumaado xiriirka Wasaaradda Caafimaadka iyo saraakiisha Hay’adda UNICEF, WHO iyo UNFPA.

Madaxda Hay’adaha UNICEF, WHO iyo UNFPA ayaa masuuliyiinta wasaaradda Caafimaadka Somalia ugu hanjabaan markasta hadii aan taladooda la qaadan inay dacwo ka gudbinayaan qofkii kasoo horjeesta qorshahooda ku salaysan lacag ka samaysashada Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirada Wasaaradda adeega Bulshada Drs Maryan Qaasin oo aheyd inay musuqmaasuqaan iyo qabyaaladan xadka ka baxday wax ka qabato ayaa gabadheeda Mushaar la taliyanimo uga qortay hay’adda UNICEF, mushaarkaas oo la sheegay inuu gaarayo 5000$ (Shan kun Doolar)
Waxaan maalmaha soo socda idiin soo bandhigi doonaa Hay’addaha loo xulay mashruuca EPHS-ka inay ka fuliyaan gobolada Gedo, Galgaduud iyo Banadir iyo xiriirka kala dhaxeeya Agaasimayaasha Musuqmaasuq ee wasaarada Caafimaadka eek ala ah Mr Ducaale, Mr Abdihamid, Mr Abdigani iyo Dr Mohamed Farah.

W/D: Qeybta daba-galka ee Caasimada Online