DAB XOOGGAN OO KA SOCDA NO.50

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dab xooggan uu ka socdo deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Goobjooge ayaa u sheegay warbaahinta dab xooggan in uu iminka ka socdo deeganka Lambar 50 oo maalmahan dagaallo ay ka socdeen.

Wuxuu sheegay in guryo badan lagubay sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale in guryaha ay ku bayaan kooxo maleeshiyo ah oo deeganka ku ku soo duulay.

Waxaa deeganka ka billowday barakac xooggan sida ay lee yihiin dad goobjoogayaasha.

Dhinaca kale, waxaa dagaal goos-goos ah uu ka socdaa deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay isku heestaan maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Biiyamaal iyo Habar-gidir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com