ISBITAALKA ay dhakhaatirtii la laayey u shqeynayeen oo bixiyey xog cusub

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Isbitaalka ay u shaqeenaayeen dhakhaatiir lagu dilay maanta duleedka magaalada Muqdisho ayaa ka warbiyay sida dareenkooda uu yahay.

Agaasimaha Isbitaalka Fiqi, Dr Cabdiraxmaan Sheekh Fiqi, oo ah ay ka shaqeynayeen takhaatiirta la dilay, ayaa BBC-da in wixii dhacay ay aad uga xun yihiin balse wuxuu sheegay in wax cabsi aysan ku keeni doonin shaqadii ay u hayeen bulshadda.

Mar la weydiiyay sida ay dhakhaatiir ajaaniib ah dalka u keeneen isla markaana ka shaqeeya meel 15km u jirta caasimada Muqdisho, wuxuu sheegay in dalka ay ka shaqeeyaan ajaaniib fara badan kuwaasoo la shaqeeya hey’addo iyo Isbitaalo kuwaas ayaan ka mid ahayn ayuu yiri Dr Fiqi.

Ugu dambeyn waxaa la weydiiyay in ay jirtay wax hanjabaad ah oo horrey isbitaalka ama dhakhaatiirta loo jeediyay.

Wuxuu sheegay inaan loo soo jeedin wax hanjabaad ah ka hor dilka maanta.

Dhinaca kale, Maamulka Isbitaalka Madiina oo la geeyay meydka dhakhaatiirta la dilay ayaa sheegay in lix qof oo meyd ah loo keenay maanta oo ay ku jiraan seddax qof oo dhakhaatiir Syrian ah.

Madaxa caafimaadka Isbitaal Madiina, Duniyo Cali Maxamed oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay aragtay meydka lix qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen dhakhaatiir sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay sheegtay oo kale in dhakhaatiirta uu ku jiray dhakhtar Soomaali ah oo lagu magcaabo Cabdikariin.

Waxa ay sheegtay Duniyo Cali Maxamed in meydka dhakhaatiirta Syrian-ka ah loo qaaday Isbitaal ay lee yihiin Turkiga si loogu qaado waddankooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com