DEG DEG AH: Xildhibaan goordhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda ku soo dhacay xafiiska Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho ayaa sheegaya goordhow in uu magaalada ku geeriyooday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa lagu magaaabi jiray Xasan Muxumad Cali (Sokorliin)

Xildhibaanka ayaa naloo sheegay in uu ku geeriyooday Hotel Muna oo ku yaala Degmada Xamar Weyne, iyadoo uu u geeriyooday xanuuno haayay maalmihii la soo dhaafay.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari oo la hadlay saxaafadda ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaanka, wuxuuna tacsi u diray xildhibaannada uu ka baxay, qoyskiisa iyo dhammaan ehelkiisa.

Sidoo kale geerida xildhibaalka waxaa ka tacsiyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya oo tacsi u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeenadiisa, xildhibaanada sharafta leh iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxuuna EEBBE uga baryey inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo shacabka soomaaliyeed uu ka geeriyoodayna uu SAMIR iyo IIMAAN EEBBE ka siiyo.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa xildhibaannada cusub baarlamaanka, waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah lagu aaso magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live,com