Ugaaska Beesha Cayr oo xabsi la dhigay iyo arrimo yaab leh oo la…

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada maamulka ay xabsi dhigeen Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur.

Ciidamada ayaa Ugaaska ka xiray Garoonka Guriceel xili uu kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho, waxaana lagu xiray Saldhiga weyn ee magaalada Guriceel.

Xariga Ugaaska ayaa la sheegayaa inay ka danbeysay Ahlusunna waxa uuna salka ku hayaa arrimaha la xiriira xulista Baarlamaanka cusub.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa xaqiijiyay in Ugaaska loo xiray dadaalka uu ku xulaayo Xildhibaanada cusub ee Beesha Cayr, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in xariga Ugaaska ay ku lug leeyihiin Siyaasiyiin uu ka diiday inuu u xulo Baarlamaanka cusub.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Ugaaska uu damacsanaa in goorta uu Muqdisho yimaado uga sii Ambabaxo Magaalada Cadaado halkaas oo ay ka soconeyso xulista Xildhibaanada ka soo jeedo deegaanada Galmudug.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha Cayr oo xariga Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur ku saabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com