Xog cusub: PUNTLAND oo weerar ku ah Gallan iyo dagaal laga…

Muqdisho (Caasimada Online)- Maamulka Puntland ayaa il gaara ku haya dhaqdhaqaaqa ciidamada uu hogaaminayo gudoomiyihii gobolka Bari oo ay ka wadaan deegaano ka tirsan Puntland.

Ilo xog ogaal ah oo aan la hadalnay ayaa xaqiijinaya in hogaanka sare ee Puntland uu amray in si weyn loola socdaan dhaqdhaqaaqa uu sameynayo Mr Gallan, oo la wareegay deegaano cusub.

Ciidamo uu hogaaminayo C/samad Gallan gudoomiyihii hore ee gobolka Bari ayaa waxay shalay tageen degmada Carmo ee gobolka Bari, waxaana taasi ay dhalisay cabsi soo wajahda laamaha amaanka ee Puntland.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in saraakiisha dhanka amaanka ay ku mashquulsan yihiin sidii ay kaga hortagi lahaayeen cid kasta oo carqaladeyn karta amaanka deegaanada Puntland.

Qalqal dhanka amaanka ayaa ka taagan deegaanada Puntland kadib markii gudoomiyihii gobolka Bari uu ku dhawaaqay inuu deegaanada Puntland ka saaraya dadka wada iney maamulka isku kali yeelaan oo uu kala jeedo hogaanka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com