Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo caburin ku bilaabay R/W CC

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ay kala irdheysan yihiin Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Wararku waxa uu intaa ku darayaa in labada mas’uul ay ku kala fogaaden hanaanka loo guda galaayo doorashada waxa uuna Xassan Sheekh ka didsan yahay Sharmaarke oo ah musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimada Somalia.

Madaxweyne Xassan oo il gaar ah isaga fiirinaaya Sharmaarke ayaa iminka bilaabay in Ra’isul wasaaraha uu ku caburiyo Siyaasada dalka si uusan u helin wakhti uu ku sameeyo ololo.

Xassan ayaa sidoo kale, wada qorsho uu wakiilada Beesha Caalamka uga jaraayo Sharmaarke si aysan uga wada hadlin arrimaha la xiriira ololihiisa.

Xassan Sheekh ayaa caburinta Sharmaarke u kaashanaaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan labada gole ee dowlada kuwaasi oo Siyaasad ahaan ku dhow dhow.

Sidoo kale, Sharmaarke ayaa dhankiisa kawada ololo uu isaga reebaayo Xassan Sheekh, waxa ayna taasi dhalisay in labada mas’uul uu xiriirkooda xumaado labadii asbuuc ee ugu danbeysay.

Docda kale, xiliyada kala guurka ah ayaa waxaa Siyaasada dalka ku kala qeybsama madaxda DFS kuwaasi oo uu soo kala dhexgalo kala shaki.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com