Sawirro: Ciidamada K/Africa oo ku biiray boobka Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal muwaadiniin South Afrikan ah ayaa boob ka geystay magaalada Pretoria kuwaasi oo la baxay alaabihii lagu iibinaayay Sodomeeyo dukaan Soomaali ay leeyihiin, halka qaarkoodna ay dab qabadsiiyeen.

Dadka boobka geysanaayay ayaa waxaa kamid ahaa Ciidamada Booliska Dalkaasi kuwaasi oo ay kaamiradu qabaneysay iyaga oo wata qaar kamid ah badeecada lagu iibinaayay dukaamada.

Dukaamada ugu badan ee boobka loo geystay ayaa ahaa kuwo ay lahaayen Soomaali, waxaana sidoo kale jiray dukaamo kale oo ay lahaayen Ganacsato kasoo kala jeeda dalal Afrikaan ah.

Boobka ayaa waxa uu saameeyay inkabada labaatan dukaan kuwaasi oo ahaa kuwo aad ay uga buuxeen badeecooyin kala duwan.

Magaalada Pretoria, ayaa waxaa ka socda banaanbaxyo looga soo horjeedo Xisbiga talada dalkaasi haya oo doonaaya in Duqa magaalada Pretoria laga dhigo xubin kamid ah Xisbigooda, halka xisbiyada mucaaradkuna ay doonayaan inay qabtaan duqa magaalada Pretoria.
Boob1

Boob2

Boob3

Boob4

Boob5

Boob6

Boob7

Boob8

Boob9

Boob10