Xog: Shirkii Jowhar oo magaalo kale loo wareejiyey iyo IGAD oo…

Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa si cad u sheegay in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe laga wareejiyay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha degmada Jowhar C/qaadir Buurfuule oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar ayaa sheegay in shirka wajiyada ka dhiman loo wareejiyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida uu shaaciyay.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib dalab kaga yimid wasaarada arimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya, sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe C/qaadir Buurfuule.

Inta ka dhiman dhismaha maamulkaasi ayuu sheegay in lagu dhameystiri doono magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu la wareegay urur goboleedka IGAD, sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Jowhar.

Shirkaasi ayaa wuxuu soo maray isqabqabsi xoogan oo ka yimid beelaha daga gobolka Hiiraan oo dhaliilay in shirka lagu qabto magaalada Jowhar, waxaana uu jiitamayaa muddo sanad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com