Mas’uul ka tirsanaa Puntland oo si foolxun loo toogtay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay agaasimihii wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland u qaabilsanaa gobolka Mudug C/laahi Maxamed Faarax.

Dilkan waxa uu ka dhacay xaafadda Garsoor,waxuuna ku magac dheera marxuumka ,Cabdullaahi Tawa-tawe.

Ciidamada ammaanka Puntland oo gaaray halkii lagu dilay marxuumka, ayaa waxay ka sameeyeen hawlgal ku aadan dilkaasi, walow aan la soo sheegin cid ay ku soo qabteen.

Dadka ku dhaqan xaafadda Garsoor, ayaa Warbaahinta u sheegay in C/laahi Maxamed Faarax la dilay, xilli Salaadda Taraawiixda laga tukanaayay halkaasi.

Dilkaani ayaa noqonaaya kii labaad oo rag aan la aqoonsan ay ka fuliyaan magaalada Gaalkacyo inta lugu guda-jiray bisha barakeysan ee Ramadaan.

Bilowgii bisha ayey ahayd markii sidan oo kale nin hubeysan uu dilay guddoomiyihii ururka haweenka gobolka Mudug.

Ma jirto cid sheegatay dilka C/laahi Maxamed Faarax, waxa uuna dilkiisa qalqal galiyay dadka ku nool xaafada Garsoor.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com