Gallan oo DAGAAL ka iclaamiyey Puntland kuna dhaartay in Gaas…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya Hanjabaado kala duwan oo uu hawada soo marinaayo Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Gallan oo ka gadoodsan maamulka Puntland.

Cabdisamad Gallan, oo u waramaayay KalsanTV, ayaa sheegay in iminka uu diyaariyay ciidamo farabadan oo ujeedkoodu yahay in awood ay ku maquuniyaan maamulka C/wali Gaas.

Ciidamo uu watay Cabdisamad Gallan oo dhaqdhaqaaq ka sameeyay deegaano hoostaga Gobolka Bari, ayaa sheegay in ciidamadaasi ay xoreyn doonaan deegaanada maamulka, islamarkaana shacabka Puntland usoo hoyin doonaan degnaanshiyo aan gumeysi laheyn.

Waxauu sheegay in go’aankaani uu qaatay kadib markii uu ka xasili waayay ciidamo uu leeyahay C/wali Gaas, waxa uuna wacad ku maray in ciidamadiisa ay la wareegi doonaan deegaan waliba oo ay ka taliyaan ciidamada C/wali Gaas.

Maamulka C/wali Gaas, ayuu ku sifeeyay mid aan habayaraatee laheyn cadaalad iyo sinaan, wuxuuna cod dheer ku sheegay in ciidamada iminka u diyaarsan ay fariisimo cusub sameysan doonaan.

Cabdisamad Gallan waxa uu intaa raaciyay in howlgalkooda uu yahay mid lagu saxaayo Dowladnimada Puntland, isaga oo meesha ka saaray in C/wali Gaas uu ka shaqeynaayo sinaanta iyo cadaalada.

Waxaa uu sheegay in arrimaan uu wado uu bilaabay kadib markii la weeraray guri uu Boosaaso ka daganaa, waxaana uu meesha ka saaray in weerarkii lagu qaaday uu ahaa mid la xariiray dibad baxayo Puntland ku eedaysay in Boosaaso uu ka abaabulay.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Dhagihiina waxaad ku maqli doontaan in ciidamadeena ay fariisimo cusub ka sameysan doonaan deegaano hor leh oo aan ka difaaci doono Shacabka Puntland, waxaana Xukuumada Cabdiwali aan awood ku maquunin doono ciidankeeda”.

Haddalka Cabdisamad Gallan, ayaa imaanaya xili Khilaaf uu dhexmaray isaga iyo Madxaweynaha Puntland C/wali Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com