Magaalo la amray inaan la gali karin lagana bixi karin (SABAB)

Jowhar (Caasimada Online)- Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in maamulka Shabelaha Dhexe uu soo saaray amar amni oo deg deg ah kadib dilkii loo geystay taliyihii NISA ee Shabeelaha Dhexe.

C/Welli Ibraahim Maxamed taliyihii nabad sugida Shabeelaha Dhexe ayaa la aamisan yahay inuu dilay askari ka tirsanaa ciidamada maamulka, waxaana la sheegayaa inuu baxsaday dilka kadib.

Maamulka Shabeelaha Dhexe oo baadi goob ugu jiro ruuxii dilka geystay ayaa soo rogay amar ah inaan laga bixi karin lana soo gali karin maanta magaalada Jowhar, sida uu sheegay afhayeenka maamulka.

“Maamul Gobolka ayaa xalay amray in la xiro afarta gees ee Magaalada Jowhar, lagana raadiyo ninkii dilay Taliyihii Nabad Suggida ee Gobolka Shabellaha Dhexe, C/weli Ibraahim Maxamed. Ninkaas ma jirto meel uu uga baxo Magaalada.” Ayuu yiri Daa’uud Xaaji Ciiro.

Wuxuu sidoo kale sheegay Ciiro in ilaa xalay ay magaalada ka socdaan baaritaano lagu doonayo in lasoo qabto shaqsiga dilay taliyaha nabad sugida Shabeelaha Dhexe.

“Hawlgal ayaa tan iyo xalayba ka soconayay Magaalada Jowhar, way jiraan dad kale oo lala xiriirinayo dilka Taliyaha oo hawlgalka lagu soo qabtay, laakiin weli lama soo qaban ninkii dilay.”

“Wax soo geli karaan ma jirto ama ka bixi kara Jowhar, illaa laga soo qabanayo ninkan dilka gaystay, oo ka mid ahaa askarta ilaalada u ahayd Taliyaha.” Ayuu yiri Daa’uud Xaaji Ciiro.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com