Maxaad u baahan tahay inaad ka ogaato shirka madasha maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo arbaco ah magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ahna Xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed ka furmo shirka Madasha Wada-tashiga Qaran.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa saaka ka socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee Shirka Madasha, waxaana halkaasi ku sugan madax farabadan oo ka kala tirsan DFS iyo maamulada dalka.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Wufuud kala gadisan oo ka kala socta dalalka caawiya Somalia, kuwaasi oo si gaar ah u daneynaaya Siyaasada Somalia iyo in shirka Madasha laga soo saaro natiijo dhaxal gal u ah Soomaalida.

Ciidamada Ammaanka maamulka, Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa la dhoobay gudaha iyo daafaha xarunta uu shirka ka furmaayo waxaana sidoo kale la adkeeyay amaanka guud ee magaalada Baydhabo.

Ciidamada ayaa gabi ahaan mamnuucay gaadiidka yaryar iyo kuwa muraayadaha madow waxa ayna baaritaano adag ku hayaan gaadiidka raaxada.

Shirkaan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ay yeelanayaan Hogaamiyaasha Soomaalida waxaana looga hadli doonaa qaabka loo wajahayo Doorashada 2016 Dalka ka dhacaysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com