Muxuu ka dhigan yahay xilka uu Axmed Madoobe magacabay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay la-taliyihiisa dhanka amniga kadib markii uu sheegay in magacaabidaasi ay ku timid baahida loo qabo in la helo la-taliye dhanka amaanka.

Axmed Madoobe ayaa xilkaasi u magacaabay Gen. Cabdi Mahdi Cabdisalaan oo howlo kala duwan horay ugu soo qabtay maamulka.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Gen. Cabdi Mahdi Cabdisalaan looga danbeyn doono la talinta howlaha dhanka Amaanka waxa uuna u rajeeyay in si hufan uu u gudan doono xilka loo magacaabay Gen. Cabdi Mahdi Cabdisalaan.

Magacaabida ayuu sheegay inay qeyb ka tahay isbedelada maamulka waxa uuna ballanqaaday in dhankiisa uu ahmiyad siin doono.
Magacabis-Gemeral-Cabdi-Mahdi-724x1024