28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xasan Sheikh & RW Saacid oo kulankii ugu horeeyay yeeshay (Faah-Faahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Idaacadda VOA-da ayaa goordhow baahisay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyagoona ka hadlay khilaafka ka taagan markii uu raysal wasaaraha diidday is-casilaad uu u soo jeediyay.

Ilo xog-ogaal oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in kulankaas looga hadlay siddii xal looga gaari lahaa khilaafka labada nin balse aakhirkii waa lagu kala booday waxaana lagu soo kala tagay iyadoo wax natiijo ah aan laga gaarin.

Raysal Wasaaraha ayaa u sheegay madaxweynaha in xilligan la taagan yahay meel wanaagsan xukuumadiisana muddada ay jirtay ay qabatay wax wanaagsan.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xilligan uusan diyaar u ahayn in uu is-casilo, sida ay lee yihiin ilaha warkan laga soo xigtay.

Si kastaba, waxaa weli muuqanaya in uu taagan yahay khilaafka labada nin, iyadoo uu socdo kulamo gooni gooni ah oo Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ay la kala yeelanayaan taageerayaashooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News