Muqdisho (Caasimada Online) Ururka Islaax ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Shabakadda Caasimada Online, ayaa lagu sheegay in ururka uu aad uga xun yahay khilaaf madaxda dowladda federaalka, waxa ay ku baaqeen in si degdeg ah loo xaliyo.
“Ummadda Soomaaliyeed waxay maraysaa marxalad xasaasi ah, oo baahi wayn loo qabo in dadaalka la isugu geeyo taabbo-gelinta Qarannimada Soomaaliya. Xilliganoo ay Qaranka Soomaaliyeed horyaallaan hawlo badan, waa wax laga naxo in khilaaf soo shaac baxo,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay Al-Islaax.
Ugu dambeyn, Al-Islaax ayaa ka hadlay dufaanada ku dhuftay deegannada Puntland, waxa ay ku baaqeen in gurmad degdeg ah loo diro dadkaas wax ku noqday.
War-Saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha ururka Dr. Cali Baashir Cumar Rooraaye, ayaa beesha caalamka iyo Soomaalida qurbaha waxaa loogu baaqay in caawiyan dadka fatahaada wabiga Shabeelle ay saameeyeen iyo kuwa Roobabka dabeylaha wata ay ku dhufteen.
Ururka Al-Islaax waxa ay gacan saar la lee yihiin Dam-Jadiid oo uu ka tirsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

