Brussels (Caasimada Online) Dowladda Belgium ayaa shaacisay in maxkamad la soo taagi doono hoggaamiyihii kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida Maxamed Cabdi Xasan Afweyne iyo Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiiceey kuwaasoo dhawaan lagu xiray magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.
Afweyne ayaa loo heestaa doorka uu ku lahaa afduubka markab ganacsi oo laga lee yahay dalka Belgium kaasoo lagu qafashay xeebaha Soomaaliya.
Ninkan oo horrey u sheegay in uu ka baxay falalka burcad badeednimada ayaa si cajiib ah loo xiray kaddib markii loo dhigay shirqool isagoo loo sheegay in uu ka qaybgalaayo Filim Dikuminti ah oo muujinaya dhibaatada kooxaha burcad-badeeda Soomaalida.
Afweyne markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Brussels waxaa la wareegay ciidamada dharka cad iyadoona loo sheegay in loo heesto dambiyo la xiriira arrimaha burcad-badeednimo ah.
Si kastaba lama oga wax yaabaha ay muteesan doonaan labadan nin walow aan la sheegin wax yaabaha loo heesto Tiiceey balse waxaa la lee yahay wuxuu dhiirigalin jiray falalka burcadbadeednimada isagoona wax laga siin jiray.
Sidoo kale warar kale ayaa sheegay in Tiiceey uu ahaa ninkii soo shir qoolay Afweyne kaasoo laga soo waday magaalada Muqdisho lana soo marsiiyay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Brussels

